Muxuu yiri Kylian Mbappé markii ay maanta soo bandhigtay kooxdiisa cusub ee Paris Saint-Germain? | GOOL.NET

Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Kylian Mbappé, kaasoo heshiis amaah ah ay uga soo qaateen naadiga AS Monaco ee isla dalka Faransiiska.

Xiddiga xulka qaranka Faranskiisa oo loo gacan galiyey maaliyadda 29-aad ee PSG ayaa si joogto ah kooxda ka dhisan caasimadda France ugu soo wareegi doona xilli ciyaareedka soo aaddan 166 milyan oo gini, taasoo ka dhigaysa laacibka labaad ee ugu qaalisan kubadda cagta Adduunka.

Haddaba Kylian Mbappé ayaa markii la soo bandhigay yiri: “Haddii ay tahay hal Euro amaba 180 milyan oo euro wax iga galay malahan aniga, Anigu ma bixin lacagahaas anigana maahan qofka jeebka ku shubanaya.”

“Waa farxad wayn inaan ku soo biiro mid ka mid ah kooxaha ugu waa wayn adduunka.

“Muhiim ayay ahayd inaan ka tagin France, muhiim ayay ahayd inaan dib ugu soo laabto magaaladii aan ku soo barbaaray.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Kylian Mbappé.

Published by

kalkaaal

mowliid maxamed dalka

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s